Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay si wayn u adkeeynayaan Amniga Caasimadda, islamarkaana ay joogteeynayaan howlgallada dhanka Amniga ah ee laga fulinayo degmooyinka Gobolkaasi.
Taliye ku xigeenka Ciidamada qaybta Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Saciid Cali Baryare ayaa sheegay in Amniga Caasimadda oo hagaaga ay danweyn ugu jirto dadka kun ool Muqdisho balse haddii ay sii socdaan falalka amni darrada ay dhibaato ku tahay Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.
Waxaa uu intaasi ku daray in Bila ka hor Magaalada Muqdisho uu soo galay hub farabadan ayna yaqaanaan dadka wata, balse uusan faahfaahin.
Waxaa uuna ka codsaday in hubkooda ay Guryaha ku heystaan si aan dhibaato amni darro loogu geysan.
Ugu dambeyn Taliye Saciid Cali Baryare ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool Gobolka Banaadir inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugidda Amniga Magaalada Muqdisho.
Warkaan kasoo baxay Taliska qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli habeenadii la soo dhaafay Ciidanka Booliska howlgallo amni xaqiijin ah ka wadeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.