DHAGEYSO:Hindise sharciyeedka BBI oo berri la hor geynaya golayaasha hoose ee ismaamullada xeebta

0
524

Barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho ayaa sheegay in wakiillada 6-da ismaamul ee gobolka xeebta ay kulan yeesheen oo ayna ku heshiiyeen in berri ay eegaan hindise sharciyeedka BBI.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in wakiillada ay codkoodu ku taageeri doonaan qorshaha la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka dalka.
Berri ayaa dib loo furayaa golayaasha ismaamullada dalka maadaama ay wakiillada fasax ku maqanaayeen labo bilood.
Sidoo kale waxaa isla berri hindisaha BBI la hor geynayaa golaha hoose ee ismaamulka Nairobi
Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka hoose ee Nairobi Cabdi Guyo ayaa warbaahinta u sheegay in arrinta BBI ay tahay midda ugu horreysa ee laga wada hadli doono.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Siaya ay hindisahan ansaxiyeen.
Dastuurka dalka ayaa qabo in ugu yaraan 24 golayaal ay hindise sharciyeedkan meel mariyaan si loogu gudbiyo baarlamaanka oo hadii lagu taageero loo bandhigaya shacabka.
Dhanka kale Cali Xasan Joho, guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ayaa sheegay in uu codsan doono in uu noqdo musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga ODM sanadka 2022-ka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu go’aan saday ka mid noqoshada siyaasiyiinta loolanka ugu jiro hoggaanka dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shacabka iyo siyaasiyiinta gobolka xeebta ee dalka ay ka mideysan yihiin dhinaca siyaasadeed ee ay taageeri doonaan