DHAGEYSO:Shil khasaare sababay oo ka dhacay duleedka magaalada Burco

0
370

Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa sheegaya inuu Shil geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay agagaarka deegaanka Beer oo dhanka Bari ka xiga Magaalada Burco.
Shilka ayaa dhacay ka dib markii ay isku dhaceen labo Gaari oo mid Bas ahaa midka kalena uu ahaa Xaajiyad yar, waxaana ku dhintay laba Ruux halka ay ku dhaawacmeen 11 qof oo kale, kuwaas oo kala saarnaa labada Gaari ee shilka galay.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer,madaxa Magaalada Burco iyo mas’uuliyiin kale oo gobolka ka tirsan ayaa sheegay in 11-ka Ruux ee dbaawaca ah la geeyay Isbitaalka Magaalada Burco, islamarkaana Afar kamid ah ay xaaladoodu aad u liidato.
Waxaa ay sheegeen inay sidoo kale wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay shilkaas, sidoo kalena lala tacaalayo xaaladda Caafimaad ee dadka ku dhaawacmay Shilkaas ayagoo wadayaasha gaadiidka digniin u diray.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa degaannada Somaliland waxaa ku kordhay Shilalka Gawaarida, sanadkaan sii dhamaanaya ee 2021-ka ayaa dadkii ugu badnaa ku dhinteen Shilalkaas degaannada Soomaaliland iyo Puntland.