Carruur isku qoys ah oo ku dhimatay walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen

0
610

Wararka laga helayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in daqiiqado ka hor uu Magaaladaas ka dhacay qarax ka dhashay haraadiga walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen Carruur yar yar.
Carruurta ayaa waxyaabaha qarxa kasoo qaaday aaga Xarunta Jaamacadda ee Guriceel, iyagoona garaacay, ka dibna ku qaraxday, islamarkaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay saddex Carruur ah ayaa goobta ku geeriyootay, halka 2 kalena iyo hooyada dhashay ay ku dhaawacmeen qaraxa, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa intaasi daraya iyo Carruurta geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay ay isku qoys ahaayeen, waxaana goobta uu falku ka dhacay tegay Ciidamo Boolis iyo qaar kamid ah dad ku sugnaa meel aan halkaas ka fogeyn.
Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaalo xooggan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna oo markii dambe isaga baxay Magaaladaas.