Cabdi Cawaale Qeybdiid oo mar kale noqday xubin ka tirsan Aqalka Sare

0
434

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta mar kale loo doortay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya islamarkaana Galmudug ku matali doono halkaas.
Cabdi Cawaale ayaa haatan kusoo laabtay Aqalka Sare ka dib markii sanadkii 2016-kii uu ka mid noqday Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa uu helay 83 cod ka dib markii uu ka tanaasulay tartanka Cawil Nuur Cali oo ah nin aanan aad wax looga aqoonin.
Sidoo kale doorashada maanta ka dhacday Dhuusamareeb waxaa kusoo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo loo doortay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Doorashada kuraastan maanta ka dhacday Dhuusamareeb ayaa ka dhigan in la soo dhameystiray xubnaha Aqalka Sare.