Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Nugaal, degamada iyo booliska oo kulan la qaatay Ganacsatada Gobolkaasi ayaa ka hadlay waxyaabaha ugu Muhiimsan ee ay kulankooda uga hadleen.
Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/Sare Maxamad Aadan Jaamac ayaa warbaahinta la hadlay Wuxuuna Faahfaahin ka Bixiyay ahmiyadda shirkaasi iyo sidoo kale qoddobo ay ka mid yihiin Sarifka iyo Sicirka oo Saamayn ay ka jirtay Bilooyinkii la soo dhaafay.