Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu soo gabagabeeyay maxkamadeynta 5-tii bishan ka bilaabatay Maxkamadda AMISOM ee Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Waxaa halkaas lagu dhageysanayay kiis dacwadeed oo loo haystay shan askari oo AMISOM ka tirsan kuwaas oo lagu helay in ay dad rayid ah ku dileen deegaanka Golwayn ee Shabeellaha Hoose.
Dhacdadan oo ahayd bishii Siddeedaad ee sanadkan, ayaa waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.
Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay dalka Uganda ayaa lagu xukumay dil, halka saddexda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah.
Goobta xukunka uu ka dhacay waxaa joogay qaar ka mid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay, oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida uu xukunka u dhacay.
Afhayeenka Beeralleyda Gobolka Shabeellaha Hoose, Xuseen Cismaan Waasuge, oo ku sugnaa maxkamadda, kaas oo la hadlay laanta afka soomaaliya BBC-da ayaa sheegay in Maxkamadda maantaa la soo gaba-gabeeyay.
“Waxaa Uganda ka yimid (xubno ka tirsan) maxkamadda ciidamada. Jimcihii ayay billaabatay, Laba maalmood waxaa hadlay dadkii ku caddeynayay dembiga, Anaga waa nalagu casuumay, waana dhageysaneynay” ayuu yiri Xuseen.
“Xalane ayey maxkamadeynta ka dheceysay, laakiin anaga wax Soomaali oo qareen ah oo noo doodayay ma jirin, Marqaatiga nalaga dalbadayna waa hal wiil oo ninka beerta iskalahaa uu dhalay. Toddobo qof ayaa ku marqaati furay oo lix ka mid ah ay yihiin ciidanka Uganda ee meesha joogay”.
“Ninkii kabtanka ahaa ee ciidanka watay waxaa lagu xukumay dil toogasho, Ninkii ku xigay ee watay unugga wax laayay, waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii maydka miinada dul saaray ee ku qarxiyayna waxaa lagu xukumay 39 sano oo xabsi ah”.
Labadii nin ee xabadda ku furtayna waxaa lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah”, ayuu yiri.