Madaxa militiriga Suudaan Jenaraal Abdel Fattah al-Burhan, oo hogaaminayay afgambi bishii hore xilka looga tuuray dowladii ku meel gaarka ahayd, ayaa soo saaray go’aan uu ku dhisayo gole cusub oo madax banaan.
Telefiishanka dawladda ayaa Khamiista maanta ah sheegay in al-Burhaan uu sii ahaan doono madaxa golaha, halka Maxamed Xamdaan Dagalo, oo ah hoggaamiyaha ciidammada degdegga ah ee loo yaqaano Hemeti uu sii hayn doono booskiisa ku-xigeenka.