Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Faahfaahin:Qarax lagu dilay taliyihii NISA ee Dhuusamareeb

Faahfaahin:Qarax lagu dilay taliyihii NISA ee Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in qarax maanta lagu dilay taliyihii ciidamada Nabad sugidda NISA ee Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiikhdoon (Qooje-Yare ) iyo Askar ilaalo u ahayd.
Qaraxa ayaa oo ahaa miinada nuuca dhulka la galiyo ayaa waxaa lala eegtay talyaha iyo ilaaladiisa xilli ay safar uga soo baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu qaraxa lala eegtay xilli ay marayeen deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jira Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Ilo degaanka ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon (Qooje) iyo Askar ilaalo u aheyd.
Kooxda Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, iyagoona sheegtay in ay dileem 14 ruux oo uu kamid yahay talyihii nabad sugidda ee Dhuusamareeb.
Saraakiisha ciidamada ayaan weli ka hadlin qaraxan lagu dilay talyihii Nabad Sugidda ee magaalada Dhuusamareeb.
Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay culeys dhinaca amaanka ah saaray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyaga oo Hoobiyayaal ku garaacayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments