DHAGEYSO:Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyay doorashooyinka

0
268

Madaxweynihii Hore ee dowladii KMG Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay jirto hubanti la,aan ah xiliga doorashada Soomaaliya ay si saxan u bilaabanayso iyo xiliga ay dhammaanayso maadaama iska daba jiitan waqti dheer qaatay ay doorashadu wajahayso taasina aysan mustaqbalka dadka iyo Dalka Soomaaliyeed u wanaagsanayn.
Sh Shariif Sh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya sidoo kalena hada ah hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran iyo gudoomiyaha midowga musharaxiinta Soomaaliya ayaa dhamaan dhinacyada masiirka wadanka ka masuulka ah wuxuu ka dalbaday inay ka soo dhalaalaan waajibaadka saaren si dalku horay ugu socd.
Wuxuu sheegay in xubnaha aqalka sare oo tiro aad u kooban ah ay doorashadoodu qaadatay wax ka badan 3 bilood aqalka hoose oo tiradiisu aad u badan tahay marka aqalka sare la barbardhigana ay intaas ka sii badan karto mudada lagu soo dooranaayo.