Jadwalka doorashada labada xubnood ee Aqalka Sare ee maamulka Galmudug oo la shaaciyay

0
506

Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada labada xubnood ee Aqalka sare ka harsan ee degaan doorashadoodu tahay Galmudug ka dib markii uu xalay Madaxweynaha Galmudug soo gudbiyay liiska Musharrixiinta Aqalka Sare.
Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in maanta oo Arbaco ah iyo Maalinta berito oo khamiis ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta, xaqiijinta iyo shahaado siinta musharrixiinta labada kursi, halka Sabtiga soo socda la qabanayo doorashada.
labada kursi ee ka harsan Kuraasta Aqalka Sare ee lagu dooranayo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku tartami doona Afar Musharax oo kala ah.
1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo kursigan horay ugu fadhiyay oo uu la tartami doono
Cawil Nuur Cali
2. Cabdi Cismaan xareed
Mahad Aadan Guuleed.