Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Somaliland oo uu la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi, Urrurada Bulshada rayidka & Gudiga doorashooyinka Soomaaliland.
Amb, James Swan wuxuu sheegay in dhamaan mas’uuliyiinta Somaliland uu kala hadlay shaqada Qaramada Midoobay ee Somaliland, sidii ay gacan uga geysan lahayeen wax ka qabashada arrimaha la taaban karo ee khuseeya qaybaha kala duwan ee bulshaa
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddiga doorashooyinka Somaliland uu kala hadlay sidii waqtiga loo iclaamiyay doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada & Golaha degaanka Somaliland ugu dhici lahaayeen, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in arintaas lagu guulaysan doono.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhawaan degaannada Soomaliland u tegay xalka gaarista khilaaf Shaqo oo Soomaaliland & Qaramada Midoobay soo kala dhex-galay, kaas oo ugu dambeyn la xaliyay sida uu sheegay.