Baroordiiq ka billowday Niger ka dib dab ay carruur ku dhinteen

0
484

Waxaa dalka Niger maanta ka billowday baroordiiq socon doono muddo saddex cisho ah ka dib markii ugu yaraan 26 carruur ah ay ku dhinteen dab ka kacay fasallo ay wax ku baranayeen.
Dhacdadan oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 13 oo afar ka mid ah ay xaaladoodu liidato ayaa laga soo tabiyay koonfurta wadankaasi.
Duqa magaalada Maradi Chaibou Aboubacar ayaa sheegay in baroordiiqa loo sameynaya ardaydan uu maanta billaabanaya.
Toddobo bilood ka hor ayay ahayd markii dhacdo tani la mid ah laga soo sheegay caasimadda wadankaasi ee Niamey halkaasi oo 20 qof ay ku dhinteen.
Niger oo ka mid ah wadamada ugu saboolsan dunida ayaa iskudayday inay xalliso gaabadka dhanka dhismaha dugsiyada iyadoo la sameeyay fasallo alwaax ah oo ay ardayda casharrada ku qaataan oo mararka qaar uu dab qabsado.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Niger Maxamad Bazoum uu ballanqaaday inuu beddeli doono fasallada noocan ah.