Madaxii sirdoonka dhanka maaliyadda ee Mexico oo is casilay

0
362

Waxaa lagu soo warramayaa inuu xilkiisi iska casilay madaxii waaxda sirdoonka maaliyadeed ee wadanka Mexico ,Santiago Nieto.
Mas’uulkan ayaa madax ka ahaa laanta sameyso howlgallada ka dhanka ah sifeynta lacagaha .
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu xafiiska baneeyay ka dib fadeexad ka dhalatay aroos uu ku dhigtay dalka Guatemala.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada wadankaasi ay gacanta ku dhigeen lacag caddaan oo dhan 35,000 oo doolar taasoo ay sidday diyaarad si gaar ah loo leeyahay oo ay saarnayeen martika qayb galaysay arooskiisa.
Arrintan ayaa loo arkay mid dhaawacaysa ololaha ka dhanka ah musuqmaasuqa.