Kulan looga hadlayay mustaqbalka ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka furmay

0
356

Waxaa Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho kulan uga socdaa Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb, Francisco Madeira & Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika (AU-PSC) oo booqasho shaqo shalay Gelinkii dambe ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa mustaqbalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo sidii Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay amniga dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada hisheeye.
Xubnaha Wafdiga ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika, Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad , waxaana warbixin laga siiyay xaaladda siyaasadda iyo amniga Soomaaliya iyo taageerada AMISOM ee ku aaddan doorashooyinka socda.
Maalmaha uu kulanka socdo ayaa waxaa sidoo kale ku biiri doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in bilihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay isku fahmi waayeen habka loo wajahayo Mustaqbalka AMISOM iyo la wareegitaanka Ciidamada dowladda Soomaaliya ee amniga dalkooda sidoo kalena ay dhawaan dowlada Soomaaliya eriday ku xigeenkii Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ka dib eedaymo loo jeediyay.