Ciidamada ammaanka ee dalka Suudaan ayaa sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryay dad dibadbax isugu soo baxay.
Mudaaharaadyada ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah waxaana looga soo horjeeday afgembigii militari ee wadankaasi ka dhacay.
Afgembiga ay militariga Suudaan xukunka kula waregeen ayaa dhacay 25-kii bishii hore ee Oktoobar.
Ururka macallimiinta Suudaan ayaa laga soo xigtay in ciidamada ammaanka ay sunta dadka ka ilimeysiisa ku tuureen dhismaha wasaaradda tacliinta ee magaalada Khartoum iyagoo xiray 87 qof.