6 musharrax oo u tartami doonto xilka madaxtinimo ee Gambia

0
458

Waxaa lagu wadaa in 4-ta bisha Diseembar ee sanadkan ay wadanka Gambia ka dhacdo doorasho madaxtinimo.
Madaxweynaha hadda talada haya ee dalkaasi Adama Barrow ayaa tartan kala kulmaya 5 musharrax oo kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in codeyntan ay muddo 27 sano gudahood noqon doonto midii ugu horreysay ee uu ka qayb galaya hoggaamiyihii hore ee dalkaasi isaga cararay Yaxya Jammeh.
5 sano ka hor ayuu Gambia ka tagay ka dib markii uu diiday in loolanka loogaga adkaaday.