Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal sidoo kalena ah caasimadda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya in israsaasayn halkaas ka dhacday ay khasaare dhalisay.
Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa geeriyooday laba kalena wey dhaawacmeen ka dib is rasaaseyn Magaalada Garoowe ku dhexmartay ilaalada madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmad Cilmi Cismaan Karaash iyo Ciidamada Taraafikada ee deegaanka.
Israsaaseynta ayaa la sheegey inay ka dhalatay baabuur ay Ciidamada taraafikada ka xareeyeen Ciidanka madaxweyne ku-xigeenka, labada Ciidan ayaana degan Goobo isku dhow.
Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa maamulka Maamulka Puntland ayaa kala dhexgalay Ciidamada dagaalamay, iyadoo dadka magaalada Garoowe uu saameeyay dagaalka dhexmaray labada Ciidan sida ay wararku sheegayaan.
Wararka ay warbaahinta gudaha Soomaaliya heshay ayaa sheegaya in ilaa Afar askari loo xiray dagaalka dhexmaray Ciidamada Taraafikada iyo ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Puntland si baaritaan loogu sameeyo.
Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal oo kamid ah meelaha ugu amniga wanaagsan degaannada Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dhacdooyin ay kamid ahaayeen dilal ay askarta u gaysteen dad Shacab ah iyo dhac dhallinyaro Burcad ah u gaysanayeen xilliyada habeenkii Shacabka magaalada.