Ra’iisul wasaaraha Ciraaq oo ka badbaaday iskuday dil

0
291

Ra’iisul wasaaraha wadanka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa lagu soo warramayaa inuu ka badbaaday iskuday la doonayay in looga takhaluso.
Waxaa uu ku baaqay degganaansho iyo in dadweynaha ay is xakameeyaan ka dib markii aynan wax dhibaato ah ka soo gaarin weerar loo adeegsaday mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu qaaday hooygiisa magaalada Baghdad .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Ilo wareedyo ka tirsan waaxyaha ammaanka ee Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 6 ka mid ah ciidamada ilaalada ee ra’iisul wasaaraha dalkaasi.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.