DHAGEYSO:Maamulka Galmudug oo Qaylo dhaan Degdeg ah u diray dowladda dhexe ee Soomaaliya

0
536

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay abaaro baahsan oo ka jira degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug gaar ahaan kuwo hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee Xaruntaas, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka degaannada.
Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in abaaro daran ay ka jiraan degmooyinka Jariiban iyo Goldogob ee Mudug, islamarkaana saameyn xooggan ku yeelatay abaarta dadka iyo duunyada oo ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.
Waxaa uu Duqa Gaalkacyo sheegay in dadka ay abaarto haysto ay u baahan yihiin in gargaar la gaarsiiyo, maadaama aysan haysan wax ay cunaan.
Waxaa uu Carabka ku dhuftay in dadka beeraha lahaa uu sanadkan Ayax ka xaalufiyey dalagoogii ay beerteen.
Dowladda Fedeeaalka, Maamulka Galmudug, Hay’addaha Samafalka iyo dadka wax haystay ayuu ugu baaqay inay gargaar degdeg ah la gaaraan dadka abaaraha ku saameeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Mudug.
Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobollada dalka ayaa waxaa xilligaan ka jira abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana abaarta ugu adag ay ka jirtaa Gobollada Maamulka Jubbaland, iyadoona ay la’deen xoolo badan.
Dhanka kale Culimada magaalka Gaalkacyo oo dadka ugu baaqay inay isugu soo baxaan Roob-doon