Faahfaahin:Qarax ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye

0
396

Inta la xaqiijiyay labo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax saacado ka hor ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Garasbaaley.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa la sheegay in uu dhacay ka dib markii uu gudbay gaari ay saarnaayeen ciidanka dowladda, waxaana uu qabsaday mooto ay saarnaayeen dad shacab ah.
Labada ruux ee qaraxa ku dhimatay ayaa la sheegay in ay kusoo jeedeen degmada Afgooye, waxaana mid ka mid ah uu ahaa macalin.
Ciidanka booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo, sidoo kalena waxay isbitaal ula carareen dadkii dhaawacmay.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaase weerrarada noocan ah Muqdisho iyo gobollada ku dhow dhow ka fuliya kooxda Al-Shabaab.