Ku xigeenkii Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ee maalin ka hor dowladda Federaalka Soomaaliya ka ceyrisay dalkeeda ayaa ka hadlay Go’aanka ay gaartay dowladda ee ay dalka ugu ceyrisay, una qabatay muddo toddobaad inuu ku baxo.
Simon Mulongo oo ah diblomaasi u dhashay dalka Uganda ayaa sheegay in uusan ogeyn qalad uu sameeyay, islamarkaana la socon faragelinta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay ee ahayd inuu faraha kula jiro Arrimo ka baxsan waajibaadkiisa.
Ku xigeenkii Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo wareysi siiyay wargeyska Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, wuxuuna xusay inuusan garaneynin sababta keentay.
“Ma garanayo sababta go’aankan ka dambeysa, Wax fikrad ah uma hayo, Waxaan rabaa in aan xaqiiqada ka hadlo, ee ma ahan in aan wararka xanta ah wax ka sheego,” ayuu yiri Simon Mulongo oo ka hadlayay ceyrintiisa dowladda.
Waxaa uu sheegay in ka jawaabidda go’aanka dowladda Soomaaliya ee dalka uga ceyrisay inay arrintaas u taallo hoggaanka Midowga Afrika ee uu isaga uu ka tirsan yahay, kana soo jeedo dalka Uganda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamad Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Mulongo uu ku dhaqaaqay wax ka baxsan sharciga loo igmaday ee uu dalka ku joogo, isagoo xusay in uu horay u qabay digniin dhowr ah balse hadda ay Dowladda ka qaadatay go’aan cad oo ah in uu dalka uga baxo muddo todobaad ah.
Home Wararka Soomaaliya Muxuu ka yiri Simon Mulongo go’aankii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga ceyrisay?