Ku dhawaad 60 ka mid ah shaqaalaha shirkadda korontada dalka oo shaqo joojin lagu sameeyay

0
356

Shirkadda korontada dalka ee Kenya Power ayaa shaqada ka istaajisay 59 sarkaal oo ka howlgalayay waaxda soo iibinta agabka.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay maamulka sare ee shirkadda.
Go’aankan ayaa lagu saleeyay warbixinta guddigii uu horay u soo saaray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ee baaritaanada ku hayay khaladaad dhacay oo dhanka qandaraasyada ah.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wasiiradda wasaaradda tamarta ee dalka Monica Juma ay sheegtay in si buuxda loo dhaqangelin doono talooyinka ku xusan warbixinta guddiga.