Soomaaliya oo sanado badan ka dib ku biirtay hay’ada la dagaalanka Ayaxa ee bariga Africa

0
271

Wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka dowlada Soomaaliya ayaa shalay wuxuu magaalada Qardho kula saxiixday hay’ada la dagaalanka ayaxa ee wadamada bariga Africa dib ugu soo laabashada Soomaaliya ee hay’adaas mudo sodon sano ah oo ay ka maqnayd intuu wadanku dowlad la’aanta ahaa.
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa oo hadal ka jeediyay munaasabadii shalay xariga looga jaray xarunta la dagaalanka Ayaxa Soomaaliya oo laga hirgaliyay magaalada Qordho ayaa wuxuu sheegay in sanado badan oo Soomaaliya burbursanayd ay meesha ka baxeen adeegyo muhiim ah oo dalku horay u lahaan jiray balse iminka diirada la saarayo dib u soo noolaynta xarumahaasi.