Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Abuukaate Mohamed Hussein Haamud oo safar shaqo ku joogo wadamo ka tirsan qaarada Yurub ayaa waxa uu booqday Safaarada Soomaaliya ee wadanka Switzerland gaar ahaan magaalada Geneva wuxuuna halkaas kula kulmay howlawadeenada safaarada.
Guddoomiyaha gudiga musuqmaasuqa ayaa xarunta safaaradda kula kulmay danjiraha safaaradda Soomaaliya ee dalalka Switzerland iyo Austria Marwo Abyan Maxamed Saalax iyo howl wadeeno kale oo safaaradda ka tirsan.
Guddoomiyaha ayaa safiirka iyo howlwadeenada safaaradda ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan isla markaana kula dardaarmay in la dardargaliyo howlaha safaaradda ayadoo la ilaalinayo hufnaanta shaqada iyo u adeegida bulshada.
Home Wararka Soomaaliya Gudoomiyaha gudiga musuqa Soomaaliya oo la kulmay masuuliyiinta safaarada Soomaaliya ee Switzerlands