SAWIRRO:Diyaarad xamuul ah oo Muqdisho ka timid ayaa markii ay garoonka ka degtay uu dab ka kacay

0
515

Diyaarad ka shaqeysa kala daabulista shixnadaha, ayaa ku dhacdey garoonka diyaaradaha ee degmada Dooloow, oo katirsan gobolka Gedo ee Soomaaliya.
Diyaaradda ayaa gubatay markii ay dhacdey, Lama ogga sababta keentay inay dhacdo diyaaradda.
Ma jirto dad ku dhintay ama ku dhaawacmay, illaa iyo haatan inta la og yahay.
Shaqaalihii diyaaradaha iyagoo bad qaba ayay ka dageen diyaaradda.
Sidoo kale, maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Dooloow, ayaa xiray garoonka, si loogga fogaado in waxyeello kale ay halkaasi ka dhalato.