Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Jowhar ee Caasimadda maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan dadka leh maqaayadaha iyo Farmashiyeyaasha ee qashinka ku shuba Goobaha danta guud ee magaaladaasi.
Guddoomiyaha Xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in goob kamid ah meelaha danta Guud ee Xaafadda ay dadka leh Maqaayadaha iyo farmashiyeyaasha si ku tala gal ah qashin ugu soo shubaan, wuxuuna Ganacsatada ugu baaqay inay joojiyaan arintaasi.
Guddoomiye kuxigeenka amniga Magaalada Jowhar Xasan Barow Bocor ayaa sheegay isna in xilligaan wixii ka dambeeya qofkii lagu arko, isagoo qashin ku shubeysa Goobaha Danta guud laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Waxaa uu intaa ku daray in Maamulka degmada Jowhar uu Bulshada u diyaariyay goobo gaar ah oo qashinka lagu shubo, islamarkaana aysan ka aqbaleyn in la sameeyo waxyaabo lidi ku ah bilicda Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hir-Shabeelle.