Doorashada laba ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo maanta dhaceysa

0
542

Waxaa lagu wadaa in maanta dugsiga tababarka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho ee caasimadda wadanka Soomaaliya in lagu qabto doorashada laba kamid ah kuraastii ugu horreysa ee Golaha Shacabka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
Xubnaha Guddiga Maamulaya doorashada Gobollada Waqooyi ayaa diiwaangeliyay Afar Musharrax oo labada kursi ku tartami doona, waxaana musharrixiinta labada kursi ugu caansan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo Biixi Iiman Cige oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga Golaha Shacabka.
Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi Axmad Safiina ayaa sheegay in labada kursi ay u codeyn doonaan 101 Ergo oo la soo xulay, kuwaas oo shalay tababar la xiriira doorashada lagu siiyay Magaalada Muqdisho.
Toddobaadyada soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi & kuwa Banaadiriga si Maamullada kale ee dalka kajira ay iyana doorashada ay u bilaabaan.