Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda 2022-ka

0
414

Golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen waxay ku ansixiyeen ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2022-ka.
Miisaaniyadda ay maanta ansixiyeen golaha wasaiirrada ee Soomaaliya ayaa dhan 699.1 milyan oo doolar.
Miisaaniyadan ayaa sida la sheegay waxa lagu qarash gareyn doonaa adeegyada kala duwan ee dowladda.