Tobonnaan Soomaali ah oo si aan kala sooc lahayn loogu xir xiray dalka Zambia

0
640

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay Dad Soomaali ah oo xarig wadareed loogu gaystay Magaalada Ndola ee dalka Zambia, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan loogu xiray wadankaasi.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay si dhow dowladda ula socoto warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula kacay dad Soomaali ah oo ku nool Magaalada Ndola ee dalka Zambia, ayna aad uga xun yihiin tallaabadaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in dadka Soomaalida ah ee la xiray loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalasho ahaan, islamarkaana arrintaas ay tahay mid aad uga walaacsan tahay dowladda, maadaama Soomaali sharci darro loo xiray.
“Wasaaradda waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda.
Ugu dambeyn Wasaaradda ayaa tilmaamtay inay ku howlan tahay sidii ay caddeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xallin lahaa si Degdeg ah tallaabada xarigga wadareedka dad Soomaaliyeed loogu gaystay Magaalada Ndola ee wadanka Zambia.