Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Maamulkaas oo ka qabsoomay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Waxaa shirka looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin amniga deegaanada Maamulka Galmudug, maqaamka Guriceel iyo warbixinta Guddiga Gurmadka Magaalada Guriceel.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga iyo mida degmada Guriceel oo dagaal maalmo qaatay ku dhexmaray Ciidanka dowladda, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.
Inta uu socday Shirka Golaha ayaa Guddiga Gurmadka ee uu magacaabay Madaxweyne Qoorqoor ka warbixiyay gurmadkii ay gaarsiiyeen dadkii ka barakacay magaalada iyo dadaallada dib u dajinta loogu sameynayo.
Golaha Wasiirada Galmudug oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka dood iyo falanqeyn ka dib u gacan taagay si aqlabiyad ahna u ansixiyay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Ansixinta Guriceel ayaa timid ka dib markii Golaha Wasiirradu xeeriyeen warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka, waxaana Madaxweyne Qoorqoor uu Golihiisa Wasiirtada faray inay dardar geliyaan shaqooyinka horyaalla.