Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee wadanka Jarmalka ayaa howlgal ka sameeyay guryo ay daganayeen dad looga shakiyay inay gacan saar la leeyihiin kooxda daacish ayna ku howlanayeen weerarro argagixisanimo oo ay ka fuliyaan wadankaasi.
Shan tuhmanayaal oo da’doodu u dhaxayso 16-ilaa 22 sano jir ayaa lagu soo qabqabtay howgalkan ay ciidamadu ka fuliyeen magaalada Bonn oo dhacda galbeedka Jarmalka.
Saraaakiisha dacwad oogidda ayaa shanta qof ee la xiray ku eedeeyay inay sidoo kale faafinayeen dacaayado ay garab ku sinayaan kooxaha islamiyiinta ah.
Laba ka mid eedaysanayaasha ayaa haysta dhalashada wadanka Jarmalka halka laba kale ay wada sitaan sharciyada Ruushka iyo kan Jarmalka mid ka mid ahna waxaa la sheegay in uu yahay muwaadin u dhashay dalka Turkiga.
Garsoorayaasha ayaa is hor istaag ku sameeyay in xabsiga la dhigo eedaysanayasha ay da’doodu ka hoosayso 18 sano waxaana la oggoladay oo kaliya in baaritaan lagu sameeyo si dhawna loola socdo dhaqdhaqaqooda.