DHAGEYSO:Sheikh Shaakir oo markii ugu horaysay ka hadlay dagaalkii Guruceel

0
432

Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa marka horaysay wuxuu ka hadlay dagaaladii Kahsaaraha xooggan gaystay ee todobaadkaan ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya wuxuuna sidoo kale Tacsi u diray dadkii dagaaladaas ay dhibaatadu ka soo gaadhay.
War Qoraal ah oo uu soo saaray sh Shaakir ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay in magaalada Guriceel hub iyo ciidan Muqdisho laga keenay lagu dunshay goobahii caafimaadka, ganacsiga iyo meelahii bulshada muhiimka u ahaa, wuxuuna ku tilmaamay nasiibdarro Soomaaliya usoo hoyatay in Saanadii qaranka lagu gubay guryahii ummada laguna qaxiyay shacbigii magaalada Guriceel kusoo dhaweeyay si nabad ah sida warka ka soo baxay hogaanka Ahlusuna lagu sheegay
Sh shaakir ayaa sheegay inuu umada soomaaliyeed ogaysiinayo inay markii horeba soo dhawayeen baaqyadii nabadda,wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan shabaab lagula jira ahayn, sidoo kalena ay u caddaynayaan ummadda somaaliyeed inay soo dhawaynayaan mar labaad baaqyada ka imaanayay Culimada , Cuqaasha , Ganacsatada , Siyaasiyiinta , Midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka sidoo kalena ay tixgalinayaan Shacabka Soomaaliyeed aysana doonayn inay dhibaatadu sii socoto.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guriceel ay uga baxeen Codsi uga yimid Culimada, Ganacsatada , bulshada rayidka senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah , ayna ka codsadeen inay wareejiyaan labadii gaari ee lagu qabsaday dagaalkii ka dhacay degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud, isla markaana Gaadiidkaas ay wareejiyeen.
Qoraalka Sheekh Shaakir oo aad u dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inay ku balameen inay dAgaan deegaanka Bohol oo markii horeba ahaa deegaankii lagu weeraray, sidoo kalena wax walba oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo xal nabad ah, ayna aqbaleen dhamaan codsiyadii uga imaanayay beesha Caalamka iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay Shacabkii ku garab taagnaa mar walbana ay u taagan yihiin nabadda iyo inaan awoodda dowladeed si qaldan loo isticmaalin, waxii khaldama lagu saxo wada hadal , dagaal aan kan shabaab ahayna uusan dhacin , dadka Soomaaliyeedna aysan ku seexan wax walwal ah oo ay ka qabaan argigixisada.
Warkaan kasoo baxay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha degmada Guriceel iyo Taliyaha Booliska degmadaas ay sheegeen in aan la cafin doonin dadkii taageeray hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca.
Sidoo kalw Galmudug wasiiro ka socda iyo maamulka degmada Guriceel ayaa shalay gaaray degmadaas waxayna indho indhayn iyo kormeer maanta ka bilaabeen deegaanada lagu dagaalamaya ayagoo sheegay in maalmahaan gargaar la gaarsiin doono magaalada Guriceel.