Maamulka degmada guriceel ee gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya oo kaashanaya guddi heer wasiiro galmudug ah oo dhawaan uu amdaxweynaha maamulkaas u mgacabaay xaaladad egmada Guriceel ayaa maanta gudaha degmadaas ka billaabaya kormeerka iyo sahminta ku aadan saameeynta ka dhalatay dagaaladii deegaanka ka dhacay.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka degmada Guriceel cabdirisaaq cabdullaahi faarax oo la hadlay idaacadda starfm ayaa inoo sheegay in maanta la guda gelayo sahminta saameeynta ka dhalatay dagaaladii iyo billaawga u gargaaridda dadkii colaaddu saameeysay gaar ahaan kuwa ku barakacay deegaanada duleedka ka ah degmada gurceel.
Cubayd Xassan maxamuud wariyaha STAR FM ee gobolka Galgaduub ayuu gudoomiye C/risaaq Khadka telefoonka ugu waramay.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Maamulka Galmudug wasiiro ka socda oo kormeeraya goobihii lagu dagaalamay