Shacabkii ka barakacay Guriceel oo loogu baaqay in guryahooda dib ugu soo laabtaan

0
484

Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedka Galmudug ayaa dhammaan la wareegay fariisimihii Ciidan ee ay ka dagaalamayeen xooggaga hubeysan ee Ahlusunna ee degmada Guriceel.
Maamulka Guriceel iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa kormeeray Goobihii ay ka dhaceen dagaalada oo qaarkood lagu arkay meydad dad aan la aasin.
Guddoomiyaha degmada Guriceel Anas Cabdi Macalin ayaa sheegay in guud ahaan la soo gaba-gabeeyay howlgalkii ka dhanka ahaa xooggaga Ahlusunna, waxaana uu dadkii barakacay ugu baaqay in ay kusoo laabtaan guryahooda, islamarkaana xaaladda amni ay tahay mid wanaagsan.
Sidoo kale Guddoomiye Anas ayaa ugu baaqay dhammaan Hay’adaha ka howlgalla degaannada Galmudug inay si degdeg ah ugu gurmadaan dadkii ka barakacay Guriceel ee dhibaatooyinka kala duwan ku qabsadeen duleedka degmadaas.
Xaaladda Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta degan ka dib Afar Maalin xiriir ah oo ay ku dagaalamayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xooggaga Ahlusunna oo saaka waaberigii hore isaga baxay degmada Guriceel.