Xaaladda bini’aadanimo ee Guriceel oo laga walaacsan yahay

0
341

Saaxiibbada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan dagaalka ka socdo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud iyo saameynta ka dhalatay.
War ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay inaysan Colaaddu kaliya ahayn mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, balse ay sidoo kale tubta ka leexinaysaa dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Xubnaha beesha Caalamka ayaa dalbaday in xal degdeg ah loo helo dagaalka Guriceel, islamarkaana la caawiyo dadkii ku barakacay dagaalladaasi.