Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku ridday milkiilaha Hay’adda Sahan Reseach

0
443

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku ridday milkiilaha HAy’adda Sahan Reseach, ka dib dambi lagu helay isaga iyo hay’addiisaba.
Matt Brydan oo ah milkiilaha HAy’adda Sahan Reseach ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir waxay ku heshay eed uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafi jiray siraha Qaranka, waxayna Maxkamaddu maanta ku xukuntay shan sano oo xabsi ah.
Sidoo kale HAy’adda Sahan Reseach ayay maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya, ka dib markii lagu helay dambiyo culus oo Qatar ku ah sirta qaran.
Matt Brydan ayaa horay waxaa Xeer ilaalintu ay ugu soo oogtay dambi ah in uu faafin jiray sirta qaranka, iyadoo sidoo kalena hay’addiisa la sheegay in ay Qatar ku tahay dalka.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka howlgala hay’ado laga leeyahay waddamo shisheeye, kuwaasi oo la sheego in qaarkood ay Qatar ku yihiin sirta qaranka, inkastoo haatan xukun shan sano ah lagu riday Milkiilaha Sahan Research.