DCI oo baaritaano ku haysa dilal dhowr haween ah loogu gaystay Ruiru

0
385

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la guda galay baaritaano dheeraad ah oo la xiriira dilal dhowr ah oo haween loogu gaystay deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.
Waxaa horay loo xiray ka dibna maxkamadda la soo taagay eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilalkan oo lagu magacaabo Paul Magara.
DCI ayaa xustay in gacanta lagu dhigay saddex eedeysanayaal oo kale oo falalkan lala xiriirinayo.
Magacyada eedeysanayaashan ayaa kala ah Jeremiah Ongati Makambo, Silas Kipyegon iyo Daniel Gatunguta.