Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga soo sheegayaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud bartamaha dalka Soomaaliya, halkaasoo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna.
Dadka degmada ku haray qaarkood waxaay ku soo warramayaan in mararka qaar ay maqlayaan rasaas Goos Goos ah oo ay is wiidaarsanayaan labada dhinac oo ku kala sugan goobo isku muuqdo oo magaalada ka wada tirsan.
Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa ku sugan sida ay wararku sheegayaan inta badan xaafadaha degmada Guriceel halka kuwa Ahlusunna ay ku sugan yihiin dhinaca Waqooyi ee degmada gaar ahaan Aaga Jaamacadda oo shalay ilaa daraad dagaalo culus ka dhaceen.
Dhinacyada ku dagaalamay deegaanada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayay wararku sheegayaa inay u imaanayan gurmadyo kala duwan, waxaana mid kasta uu ku dadaalayaa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa guud ahaan magaalada.
Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah saacadihii la soo dhaafay gaysay degmada Guriceel, waxaana dhanka kale soo baxaya baaqyo dhinacyada dagaalamaya loo jeedinayo oo ku aadan in dagaalka la joojiyo xalna laga gaaro waxkasta oo lagu kala aragti duwan yahay.