Banaanbax looga soo horjeedo dagaalka khasaaraha badan gaystay ee u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlu Sunna ee ka socda Guriceel ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dad u badan Haween ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka, iyaga oo waddada ku gubay taayarro iyo qashin, taas oo keentay in isku socorka Gaadiidka noocyadiisa kala duwan uu istaago.
Bannaabaxayaasha ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay uga soo horjeedaan dagaalka degmada Gueiceel, waxaana kamid ahaa, Qoor Qoor iyo Farmaajo doonimeyno, dhiig Sokeeye doonimeyno iyo Erayo kale.
Qaar kamid ah bannaan-baxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo & Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor inay dagaalka hurinayaan.
Waxaa ay si cad u sheegeen in marnaba ogolaaneyn in lagu sii dagaalamo degmada Guriceel, waxaana qaar kood sheegeen inay garab taagan yihiin hoggaanka Ahlusunna ee dagaalka kula jira Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.
Maalintii Saddexaad oo xiriir ah ayaa waxaa dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xooggaga Ahlusunna iyadoo uu dagaalka ka socda degmada Guriceel, kaas oo gaystay khasaaro farabadan.