Faahfaahin dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

0
489

Waxaa lagu soo warramayaa in Dagaal gaystay khasaaro kala duwan ayaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidam o ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu ymid ka dib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Bar-koontorool oo Ciidamada jubbaland ku leeyihiin degaanka Baarka ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.
Goobjoogayaal ayaa ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaasi.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan.in dagaalka uu hal askari ku dhaawacmay, sidoo kale ay uu ku burburay Gaari booyad ah oo ay leeyihiin Ciidanka Jubbaland, islamarkaana yallay Xerada la weeraray.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Jubbaland ay sameeyeen howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyaga oo la sheegay inay howlgalka dad badan ku qab qabteen