Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Samburu oo lagu xiray 40 qof oo aan ilaalin tallaabooyinka ka dhanka...

DHAGEYSO:Samburu oo lagu xiray 40 qof oo aan ilaalin tallaabooyinka ka dhanka ah COVID19

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Samburu ayaa xalay xiray 40 qof oo lagu eedeyay in aynan u hoggaansamin xeerarka lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID19.
Tani ayaa timid ka dib howlgal ay boolisku ka fuliyeen goobaha lagu caweeyo ee magaalada Maralal .
Taliyaha booliska ee bartamaha ismaamulka Samburu Alex Rotich ayaa warbaahinta u sheegay in eedeysanayaasha la qabtay abaare 11.30 ee habeenimo.
Tuhmanayaasha oo sidoo kale loo haysto in aynan kala fogaan xilligii ay ku sugnaayeen goobaha laga soo qabtay ayaa la filayaa in berri la soo taago maxkamadda magaalada Maralal.
Mr. Alex Rotich oo ka hadlaya howlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaasha ayaa yiri

Mulkiilayaasha xarumahan ayaa dhankooda lagu soo oogi doonaa dacwad ah inay shaqeynayeen ka dib 11-ka habeenimo oo ah wakhtiga kama dambeyska ah ee la oggol yahay in goobaha lagu caweeyo ay furnaadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments