Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Kampala

Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Kampala

Qarax laga soo tabiyay caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay hal qof iyadoo shan kale ay dhaawacmeen.
Madaxweynaha wadankaasi Yoweri Museveni ayaa falkaasi ku tilmaamay mid argagixiso.
Waxaa uu wacad ku maray in la raadinaya cidii ka dambeysay si gacanta loogu soo dhigo.
Booliska Uganda ayaa laga soo xigtay in qaraxa uu abaare 9-kii fiidnimo ee xalay ka dhacay maqaaxi aad u mashquul badan oo ku taalla agagaarka waddada ee degmada Kawempe.
8-dii bishan ayay ahayd markii kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS ay sheegatay mas’uuliyadda weerar bambo loo adeegsaday oo lagu bartilmaameedsaday saldhigga booliska ee Kawempe oo aan aad uga fogeyn halka laga soo tabiyay weerarkii xalay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments