Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Muturi: Kama tanaasulayo tartanka madaxweynenimo ee 2022-ka

Muturi: Kama tanaasulayo tartanka madaxweynenimo ee 2022-ka

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Justin Muturi ayaa sheegay inuu ka sii mid ahaan doono tartanka loogu jiro xilka madaxtinimada ee dalka ilaa meesha ugu dambeysa.
Afhayeenka baarlamaanka ee dalka ayaa sheegay inay jiraan kuwa doonaya inuu ka tanaasulo u tartamidda hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Waxaa uu xusay inuu isku kalsoon yahay, islamarkaana ay jirto fursado uu xilka kala wareegi karo madaxweynayha dalka Uhuru Kenyatta.
Mr. Muturi, oo hadalkan ka jeediyay deegaanka Ugenya ee ismaamulka Siaya ayaa tilmaamay in tiro aad u badan oo isu soo sharraxdo xilka madaxtinimo ay u wanaagsan tahay dalka, maadaama ay siineyso dadweynaha xulashooyin kala duwan.
Waxaa uu dhanka kale keenyaanka ugu baaqay inay ku dadaalaan in hoggaamiye daacad ah ay doortaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments