Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble, ayaa wareegto uu soo saaray maanta ugu magacaabay Bashiir Maxamad Jaamac (Goobbe) Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.
Magacaabista Bashiir Goobbe ayaa imaanaysa maalmo ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamad cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble ay ka heshiiyaan khilaaf muddo laba bilood ku dhaw ka dhexeeyay oo ay ugu weynayd arrinta hay’adaha Amniga oo mas’uuliyiin kala duwan loo kala magacaabay.
Wasaaradda loo magacaabay Bashiir Goobbe ayaa horay u laheyn Wasiir dowle.
Heshiiskii dhawaan ay wada gaareen Rooble iyo Farmaajo ayaa waxaa qqyb ka ahaa in Wasiir dowle loo Magacaabo Bashiir Maxamqd Jaamac.
Home Wararka Soomaaliya Bashiir Goobbe oo loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud iyo dib...