Tirada dadka ku barakacay xiisadda ka jirta Guriceel oo la shaaciyay

0
521

Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA ayaa shaaciyay tirada dadkii ka barakacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo isaga cararay xiisadda Colaadeed ee u dhexeeysa Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Waljamaaca.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay ku sheegtay in Colaada Guriceel ay ku barakaceen In ka badan 100,000 oo qof oo kamid ahaa dadka deegaanka ee Magaaladaas, iyagoona aaday degaanno nabad ah oo ka tirsan Galgaduud.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA ayaa sidoo kale Warbixinta ku xusay in xiisadda Ciidanka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ay ku fiday 28 tuulo oo miyi ah, ayna dadkii joogay ka barakaceen.
Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in dadka barakacay qiyaastii 1,005 ay yihiin Carruur iyo 2,009 oo dad naafo ah, iyagoona sheegay in dadkaas ay heli la’yihiin Cuntada, Biyaha, fayadhowrka iyo adeegyada Caafimaadka.
Xiisadda maalmihii lasoo dhaafay u dhexeeysay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa saaka isku bedeshay dagaal xooggan oo dhinacyada dhexmaray, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Guriceel ayaa sheegaya in xaaladda ay weli kacsan tahay, isla markaana la maqlayo dhawaaqa rasaas xoogan oo la isku adeegsanayo dagaalka socda, waxaana Magaalada isaga barakacay dadkii deganaa.