Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in fatahaado ku dhuftay Suudaanta Koonfureed ay saameyn ka soo gaartay 700,000 oo qof.
Musiibadan ayaa lagu tilmaamay midii ugu darneyd muddo 60 sano ah.
Waa sanadkii saddexaad oo xiriir ah oo ay daadad xad dhaaf ah ka jiraan Suudaanta Koonfureed tani oo khatar gelinaysa nolosha boqolaal kun.
Wadankaasi waxaa ugu yaraan shan sano ka jiray dagaallo sokeeye , macluul iyo musuqmaasuqa waxayna qaramada midoobay hadda sheegaysa in daadad oo loo aaneynaya isbeddel dhinaca cimillada ah aan saameyntooda la iska indha tiri karin.
Adesh Tripathee , madaxa maareynta musiibooyinka iyo dhibaatooyinka dhanka cimillada ee wadamada ka hooseeya saxaraha Afrika ayaa sheegay in 8 ka mid ah 10 gobol ay daadadku saameyeen.