Kenya iyo Malawi oo heshiisyo kala saxiixday

0
490

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa khamiista maanta ah wada -hadallo laba geesood ah kula yeeshay aqalka madaxtooyada ee dalka looga arrimiyo state house madaxweynaha wadanka Malawi Lazarus Chakwera.
Labadan hogaamiye ayaa kala saxiixday ilaa sideed heshiis ah oo iskaashi ah waxayna kala yihiin arrimaha difaaca ,la talin dhanka siyaasadda ah,cafaimaadka,dalxiiska ,kaluumaysiga,iyo maareynta hormarinta keymaha.
Madaxweyne uhuru kenyaatta iyo dhigiisa Malawi waxaa ay sheegeen in dhamaan heshiisyada si deg deg ah loo dardargalin doona.
Madaxweynaha wadanka Malawi ayaa horaan shaaciyay in Kenya uu kala dhaxeyn doono arrimo dibloomaasiyadeed isagoona tilmaamay in Kenya iyo Malawi ay yihiin dalal wanaag ka dhaxeeyo.