Tirada dadka lagu xiray xadka Maraykanka iyo Mexico oo korortay

0
614

Maamullada ammaanka ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya inay korortay tirada dadka laga qabtay xadka wadankaasi uu la wadaago Mexico.
Sanadkan gudihiisa waxaa la xiray 1.7 milyan oo soo galooti ah kuwaasoo isku dayayay inay gudaha u galaan Maraykanka.
Tani ayaa tilmaamaysa caqabadaha sii xoogeysanaya ee dhanka siyaasadda iyo baniaadanimada ee uu wajahaya maamulka madaxweyne Joe Biden.