Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ka socota doorashada Afarta kursi ee Maamulkaas uga dhimanaa xubnaha 8 ah ee Aqalka Sare Soomaaliya ka soo galaya Jubaland, waxaana Goordhow la doortaylabadii kursi ee ugu horreeyay Afarta Kursi.
Xasan Daahir yarow ayaa loo doortay kamid noqoshara Mudaneyaasha Aqalka Sare ee Soomaaliya, 59 Xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada maamulka Jubbaland ayaa u codaysay masuulkaas.
Xasan Daahir Yarow ayaa waxaa uu ka guulaysatay Cabdi Xuseen Cali oo la tartamayay kaasoo helay 13 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.
Kursiga labaad ahna kursiga lixaad ee Jubaland ayaa loo doortay Ibraahim Awgaab Cismaan oo helay 57 cod halka sahra maxamed Xuseen oo la tartamaysay ay heshay 14 cod sidoo kale Laylo Nuur Maax ayaa loo doortay xubin ka mid ah Aqalka sare ee laga soo doortay Jubbaland, iyadoo heshay 63 cod
Gudoomiyaha golaha wakiilada maamulka Jubaland ayaa ku dhawaaqay natiijada kursigii koobaa ee maanta la doortay sidoo kalena ah kursiga shanaad ee Jubaland dooratay.
Intaasi ka dib waxaa la gudaha galay doorashada halka kursi ee ka dhiman maamulka Jubaland si dhamaan xubnaha 8 ah ee aqalka Sare ay Jubaland ku leedahay maanta loo dhamaystiro doorashadooda.